29.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Axmed Madoobe ma madaxweyne baa mise waa madax kaliya oo muuqda? !!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hal sano iyo afar bilood ayaa laga joogaa markii Axmed Madoobe loo ogolaaday inuu si ku meel gaar ah u hoggaamiyo maamulka Juba. Waqtigiisa waxa uu ku eg yahay 21-ka August ee sanadkan.

Mudadaasi Axmed Madoobe waxba kuma uusan soo kordhinin Jubaland, bal eeg tusaalooyinkan:-

1 – Jubaland maamul kama jiro ee waxaa ka jira hal nin oo wax walba isaga qabsada.

2- Axmed Madoobe lacagaha dekedda Kismaayo isagaa maamusha, marka laga reebo walaalkiis Shaafi oo lacagaha dadka loo dirayo loo dhiibo.

3 – Axmed Madoobe hay’adaha samafalka isaga ayaa fura ama xira.

4 – Qandaraasyada isaga ayaa bixiya. Rasaasta isagaa haysta. Dhulalla Kismaayo isaga ayaa bixiya. Safarada kaligiis ayaa aada.

5 – Kenya kaligiis ayaa aada. Xildhibaanada maamulka isaga ayaa soo qoran raba.

6 – Kaaga sii darane bisha August waxa uu rabaa muddo kordhin. Salaadiinta waxa uu rabaa shaqadoodii inuu isaga qabto.

Sidaasi darteed Axmed Madoobe waxaa la oran karaa madaxweyne ma ahan ee waa madax kaliya oo muuqda.

Qalinkii: Cali Xaaji oo jooga Kismaayo

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

- Advertisement -

Read more

Local News