26.2 C
Mogadishu
Saturday, June 13, 2026

“DFS waa inay ka hor tagtaa go’aanka bankiga ee ka dhanka ah Soomaalida”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Bashiir Maxamed Jaamac oo kamid ah Mudanayaasha BF Somalia, ayaa DF Somalia uga digay inay indhaha ka qabsato Go’aanka Dowlada Mareykanka ay ka gaareyso Wada shaqeynta ay la leeyihiin Xawilaadaha Soomaalida.

Bashiir Goobe waxa uu sheegay in Muwaadiniinta ku nool Dalka Somalia iyo qaarada Africa ay noloshooda ku tiirsan tahay Carruurtooda ku nool dalka Mareykanka, waxa uuna walaac ka muujiyay go’aanka lagu hakinaayo wadashaqeynta Xawaaladaha iyo Bankiga.

Bashiir Goobe, ayaa waxa uu hadalkaani ka hor sheegay BF Somalia hortiisa, isagoona arrintaasi ku sheegay inay tahay mid qalbiga iyo Dareenka Baarlamaanka Taabaneysa isla markaas waxaa uu ka Codsaday Gudoonka iyo Xildhibaan in Cod Aqlabiyad ah ay ku taageeraan Arintaasi.

Waxa uu sheegay in tani aysan ku ekaan doonin Shacabka oo kaliya, balse ay saameyn adag ku yeelan karto Mas’uuliyiinta Qaranka, waxa uuna farta ku goday in DF Somalia ay arrintaani ka bixisaa Jawaab degdeg ah.

Dhanka Xildhibaanada BF ayaa si gaar ah uga walaacsan arrintaani waxa ayna qabaan in laga hortago ka hor inta uusan saameyn Xawaaladaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News