Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka KMG Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ”Axmed madoobe” ayaa xilka ka xayuubiyay Wasiir ku-xigeenkii wasaarada xiriirka caalamiga iyo qorshaynta Cabdi Xuseen Cali kadib.
Mas’uulkaani xilka laga qaaday ayaa lagu eedeeyay inuu ku kacay falal musuqmaasuq ah, kadib markii Madaxda Maamulka lasoo hordhigay cadeymo muujinaayo Musuqaasi.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Axmed Madoobe, ayaa xilka looga qaaday Wasiir xigeenkaasi.
Wareegtada waxaa lagu sheegay in Cabdi uu Xilkiisa ku waayey eedaymo Musuq Maasuq ku saabsanaa iyo caddaymo ay keeneen Guddi loo xil saaray soo baarista eedaymahaasi.
Dhanka kale, xil ka qaadistaani ayaa waxa ay gogol xaar u tahay kiisas badan oo laga keenay Wasiiro iyo Wasiiro xigeeno oo iyagu lagu eedeynaayo inay faragalin ku sameeyen Hanti qaran oo loogu talo galay in lagu maareeyo adeegyada asaasiga ah ee Maamulka.
Axmed Madoobe ayaa dhamaan arrimaha la xiriira dabagalka Musuqa u xil saaray gudi baaritaan ku sameeya waxa ayna iminka fuliyeen kiiskii ugu horeeyay, iyadoona ay horyaalan kiisas kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

