Muqdisho (Caasimada Online) – Mid ka mid ah ilaalada Xidhibaan Cumar Cali Nuur (Furdug), ayaa wuxuu maanta uu qof shacab ah uu ku dilay Magaalada Muqdisho, ka dib markii uu murun soo kala dhex galay.
Dilka, ayaa wuxuu ka dhacay wadada kala qaybisa Degmooyinka Xamar Weyne iyo Boondheere. Askariga wuxuu ninkaasi weydiistay in uu wadada ka qaado gaari uu watay, sababo ammaan awadeed, laakiin uu ninkaasi ka biyo diiday.
Goobjooge, ayaa sheegay in askarigu uu rasaas ku furay ninkaasi, isla-markaana uu u geeriyooday rasaastii uu oodda kaga qaaday.
Askariga dilka geystay, ayaa waxaa la soo sheegayaa in uu la dhashay Xidhibaan Cumar Cali Nuur, oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya.
Gudoomiyaha Degmada Xamar Weyne C/qaadir Maxamed C/qaadir (Carab), ayaa sheegay dilka uu geystay askariga la dhashay Xildhibaan Furdug.
Ciidamada Dowladda Somaliya oo ku baxay goobta uu dilku ka dhacay, ayaa waxay warar kala duwan ka soo baxayaan inay gacanta ku soo dhigaan ninkaasi iyo in kale. Warar madax banaan waxay sheegayaan inaaanan gacanta lagu soo dhigin ninkaasi. Sarkaal ka tirsan laamaha ammaanka waxa uu isna sheegay in dembiilaha la soo xiray.
Askarta, ayaa waxay mararka qaarkood ka feejigan yihiin gawaarida yar yar in weeraro loo adeegsado, waxaadna arkeysaa in xilliyada qaarkood ay dil ku kacaan, iyagoo ka cararaaya in ammaanka la qal-qal geliyo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

