Sirta ka dambeysa shirka Shariif Xasan, Gaas iyo Axmed Madoobe ee XAMAR

Shir ay markii ugu horeysay madaxweynayaasha maamul goboleedyada dhisan Soomaaliya marka laga reebo Somaliland yeelanayaan ayaa qabanqaabadiisa ka socotaa Muqdisho iyadoo ay magaalada soo gaareen hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaan iyo Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas).

Shirkan waxaa markii ugu horeysay soo hindisay Shariif Xasan Sheekh Aadan hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed, wuxuuna yimid kadib markii Shariifka ku hungoobay inuu xubno ku yeesho golaha wasiirada ugu danbeeyay ee uu ku dhawaaqay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid iyadoo xukuumadii hore uu talo weyn ku lahaa.

Shariif Xasan ayaa ku qanciyay Axmed Madoobe iyo C/weli Gaas inay shir isugu yimaadaan si ay uga wadahadlaan xaaladda dalka iyo walaaca ka taagan hiigsiga 2016. Waxay isla garteen inay shirkaas degdeg u qabtaan oo kasoo saaraan arrimo muhiim ah oo ku saabsan in dowladda madaxweyne Xasan Sheekh aanay ku socon hiigsiga 2016 iyo in lagula xisaabtamo dowladda howlihii dastuuriga ahaa ee ay fulin weyday. Waxaa kaloo ay isla garteen inay soo saaraan go’aano ay ka mid tahay inaan haba yaraatee muddo kordhin loo sameyn karin hay’adaha dowladda Soomaaliya kadib 2016-da marka waqtigeedu dhammaado.

Shirkaas ayay saddexda madaxweyne ayay isla go’aansadeen inay ku qabtaan magaalada Kismaayo iyagoo gogosha uu dhigay Axmed Madoobe. Haddaba qorshahaasi oo gabagabo ku dhow ayuu ka war helay madaxweyne Xasan Sheekh oo arrintaasi ay khalkhal weyn gelisay, wuxuuna si degdeg u farageliyay xaalada isagoo la wada xiriiray, kuna casuumay inay shirkooda ku qabsadaan magaalada Muqdisho isagana uu kharashka bixinayo. Dadaal dheer kadib waxay ogolaadeen inay Muqdisho tagaan, shirkoodana ku qabsadaan, inkastoo arrimihii u gaarka ahaa aan laga wadahadlin. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa rajo ka qaba in shirka Muqdisho ka dhacaya uu saameyn ku yeelan karo.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu olole xoogan ugu jiro ilaa iyo xalay in degdeg loogu dhawaaqo xukuumadda cusub ee Cumar C/rashiid inta  aanu qabsoomin shirka madaxweynayaasha maamul Goboleedyada Soomaaliya si aanay saameyn ugu yeelan haddiiba ay dhacdo inay go’aan ka soo saaraan shirkooda, balse taas laguma guuleysan.

Dhinaca kale shirka madaxweynayaasha Gobolada ayaa laga yaabaa inay saameyn xun ku yeelato magacaabidda xukuumadda cusub oo iyagoo Muqdisho kusoo wajahan ama markaas soo caga dhigtay lagu beegi doono, taasina laga cabsi qabo inay uga sii darto xiisadii markii hore u dhaxeysay madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynayaasha maamulada dalka.

Axmed Madoobe oo madaxweyne loogu magacaabay safarkii ugu danbeeyay ee Xasan Sheekh ku tegay Kismaayo iyo Shariif Xasan oo taageerada Xasan Sheekh Madaxweyne ku noqday waxay ku doodayaan kana tabanayaan madaxweyne Xasan Sheekh inuusan wax talo ah ka siin magacaabidda Golaha wasiirada Federaalka, waxayna hadda u muuqdaan inay bilaabayaan adeegsiga awooddooda siyaasadeed. Halka C/weli Gaas uu arrimaha Federaalka bannanka ka joogay iskana ilaalin jiray wixii hadda ka danbeeyay.

Dareenka ku jira madaxda maamulada dalka ayaa ah in madaxweyne Xasan Sheekh keligii u tashanayo masiirka dalka oo dhan isagoo isu diyaarinaya Hiigsiga cusub inay talada awoodda dalka ku soo laabtaan isaga iyo kooxdiisa. Waxaa la arki doonaa natiijada kasoo baxda shirka madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka iyo inuu ka duwanaado haddiiba uu qabsoomo kii la qorsheeyay inuu ka dhaco Kismaayo.

Xigsho: Goobjooge