Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobe, Ururuka Midowga Africa, Ururka Midnimada Reer Yurub, IGad, Dowladaha Ingiriiska iyo Mareykanka, ayaa soo dhaweeyay ansaxinta uu ansaxiyay Baarlamaanka liiska cusub ee Golaha Wasiiradda. Waxayna mar labaad ugu baaqeen Madaxwaynaha, Ra’iisal Wasaaraha iyo Baarlamaanka Federalka in ay si dhakhso leh ugu hawlgalaan, siddi lagu hirgelin lahaa wax yaabaha ka harsan aragtidii/himiladdi ku saabsaneed 2016-ka, iyadoo la adeegsanaayo Xukuumadda cusub, ee uu Baarlamaanka anxasiyay.
“Waxaan soo dhawaynaynaa ansaxinta la ansaxiyay Xukuumadda cusub, waxaana ugu baaqaynaa Madaxda Somaliyeed iyo hay’adaha Dowladuba in ay isla shaqeeyaan isulana hswgalaan sidii lagu hirgelin lahaa guulaha ku qotoma aragtidda Dowladda ee ku wajahan 2016-ka . Aragtidan (2016-ka ah) iyo hiigsiga cusub ee Somaliya, ayaa ah saansaan ku hagaya wax qabadkaanaga. Waxaa hadda muhiim ah in la dhawro midnimadda iyo xasiloonida Dowladda Federalka si loogu taagnaado hirgelinta aragtida ku saabsan 2016.” Ayaa lagu sheegay qoraalka.
“Waxaa kale oo na dhiiri geliyay ku soo daridda Xukuumadda lagu soo daray Wasiiradda haweenka ah. Ka qaybgalka ay haweenka, dhalinyaradda iyo dadka laga badanyahay ay ka qaybgalayaan geedi socodka, iyo in si hufan loo shaqeeyo, ayaa aad muhiim u noqonaya mar kasta oo horey loo dhaqaaqo.” Ayuu lagu sheegay qoraalka.
Waxaa kaloo qoraalka lagu yiri “Sanadka 2015-ka waa sanad aad muhiim u ah si loo xaqiijiyo horey u socoshada wadada guusha looguna taagnaado wadadii lagu xaqiijin lahaa ammaanka iyo xasiloonida Somaliya iyo in la horumariyo xaaladda nololeed ee dadka Somaliyeed.”
Bulshadda caalamku waxay cambaareeyeen dilkii saaka Magaalada Muqdisho loogu geystay C/laahi Qayaad Barre, oo ahaa xubin ka tirsan Baarlamaanka. Waxayna ugu baaqeen Dowladda in ay si dhakhso leh u horkeento dembiile-yaasha Cadaaladda. Ugu dambeen waxay tacsi u direen qoyskii iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, oo marxuumku uu ka baxay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

