27.9 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

Xassan Sheekh oo beeniyay arrin lagu dhaliilay Dowladiisa sheegayna in….

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa beeniyay wararka la xiriira in burbur uu ku yimid Hay’adaha Dowliga.

Madaxweyne Xassan ayaa sheegay in DF Somalia ay hada kasoo kabsaneyso burburkii ku dhacay dhowrkii sano ee la soo dhaafay, waxa uuna cadeeyay in iminka ay ku howlan yihiin sidii ay u dhameystiri lahaayen dhismaha Hay’adaha.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa Amaanay Xubnaha BF Somalia ,waxaana uu sheegay in Go’aanada ay gaaraan Baarlamaanka uu kasoo baxo waxyaabo wax tar u ah Ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale Xasan sheikh Maxamuud ayaa ugu danbeyn ka hadlay  Taariikhda iyo Khilaafyadii la soo maray Bilihii ugu danbeeyay,iyadoona uu sheegay in aan dib loogu laaban doonin.

Haddalka Madaxweynaha ayaa imaanaayo xili ay soo ifbexeen Khilaaf dhanka Siyaasada ah oo Kal hore soo kala dhex galay Madaxda Dowladda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News