XASAN SHEIKH oo ku dhacay shirqool siyaasadeed oo ay u maleegtay AALA SHEEKH (Maxaa dhicin doona 201..?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo idlaaday xasaasiyaddii siyaasadeed ee soo curyaamisay In la helo xukuumad tayo leh oo shaqeysa afartii bilood ee la soo dhaafay.

Haddaba, waxaa is weydiin mudan; Muxuu yahay HIIGSIGA Madaxtooyada ee 2016. Maxaase is bedelay?

Waxaan la wada soconaa in seddex (3) jeer iyo ka badan la soo magacaabay gole wasiiro oo marba RW uu la noqonaayay ansixintooda iyadoo aay jireen caqabado looga cabsi qabay in xukuumadda aay codka kalsoonida heli weydo.

Waxaa jiray afar (4) qofood oo la bar tilmaaneysanayay oo la diidanaa in aay soo galaan xukuumadda, iyadoo lagu eedeynayay in aay saaxiib dhow la yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh loogana cabsi qabay in aay afduubtaan hannaanka HIIGSIGA 2016 ee dalka loogu diyaarinaayo doorasho.

Haddaba aqristoow. Yaa ka shaqeeyay in raggaas la bar tilmaansado? Yaase bedelay oo galay kaalintooda oo raba in aay iyagu afduubaan HIIGSIGA 2016?

Haddaba aan ka faaloodo sida aay wax u dhaceen iyo shaqsiyaadka ka danbeeyay in xukuumadda CCC seddex jeer lala laabto iyo ujeedka laga lahaa.

Inta aanay heshiiskan gelin ka hor waxa aay kooxda Alla Sheekh iyo Madaxweyne Xasan Sheekh-ba cabsi badan ka qabeen Xildhibaan Cabdulqadir Cosoble Cali oo magac iyo sharaf badan ku dhex lahaa bulsho weynta Soomaaliyeed iyo Baarlamaanka. Hase yeeshee waxa aay cabsidaas ka go’day markii Xildhibaan Cosoble uu kaararkiisii ku gubay riditaankii RW Cabdiwali loogana baxay ballamadii lala galay, markii uu heshiis qarsoodi ah la galay Madaxweyne Xasan Sheekh kooxda Alla Sheekh.

Heshiis Noocee ah ayuu ahaa?

  1. Bartamihii bishii December ee sanadkii tagay 2014. Markii la riday xukuumaddii RW Cabdiwali Sheekh, ayaa waxaa dhacay heshiis qarsoodi ah oo dhex maray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxda ALLA SHEEKH.
  2. Waxaa heshiiskaas hormuud ka ahaa Xildhibaan Xasan Macallin oo aay wehliyaan Xildhibaan Bashiir Caddow Calasow, Abdirahman Yusuf Cali Caynte iyo Abshir Buqaari
  3. Waxaa heshiiska lagu gurfeeyay sidii loo sameyn lahaa iskaashi siyaasadeed oo dhex mara Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxda Alla Sheek. Haddaba maxaa laga wada hadlay?
    • Waxaa loo sheegay madaxweyne Xasan Sheekh in uu dhammaaday wadashaqeyntii ka dhexeysa Madaxweynihii hore Sharif Sheekh Axmed iyo kooxda Alla Sheekh.
    • Waxaa loo sheegay Xasan Sheekh in aay kooxda markii aay fiiriyeen bulsha weynta Soomaaiyeed, gaar ahaan beesha uu ka dhashay Xasan Sheikh in ay ka dhex waayeen ruux aay taageeraan oo u qalma in uu madaxweyne ka noqdo waddanka 2016.
    • Waxaa loo ballan qaaday Xasan Sheekh in uu heli doono taageero buuxda ee koox diimeedka Alla Sheekh.

Haddaba Madaxwene Xasan Sheekh oo uu ku jiro shaki badan ayaa ka codsaday in la siiyo muddo labo (2) maalmood ah oo kaga fekero.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu arrintii hor dhigay saaxiibadiis, Faarax Sheekh iyo Cabdikarim Xuseen Guuleed. Labada nin waa u cuntami weysay hadalka ka soo yeeray kooxdan Alla Sheekh, waxa aanay kula taliyeen Xasan Sheekh in uu weydiiyo caddeeymo waxa aay sheegayaan in aay run ka tahay.

Laba maalmood kaddib waxaa markale wada fariistay kooxdii ka socotay Alla Sheekh iyo madaxweyne Xasan Sheekh wuxuuna u sheegay in uu u baahan yahay caddeyn.

Waxaa hadalkii qaatay Cabdirahman Caynte oo u sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh in aay fududahay arrinkaan in uu keeno caddeyn. Waxaa uuna ballan qaaday caddeyn ah in Madaxweynihii Hore Shariif Sheekh Axmed kaasoo ballan ku lahaa Magaalada Ankara si uu ula kulmo Madaxweyne Tayib Erdogan ka hor safarka uu ku iman doono Xamar. Waxaa intaa ku daray in uu awood u leeyahay in uu baajiyo ballantaas Sharif Sheekh Axmed-na halkaa ku hungoobo oo la qaabili waayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa aad ula dhacay fekerkaas codsadayna in la tuso caddeymo sida aay u dhici karto. Caynte ayaa qabsaday seddex maalmood (3) in la siiyo.

Isku soo noqoshadii seddexaad ayuu Cabdirahman Caynte keenay caddeymo email ah oo loogu ballan qaadayo in aan la arkeyn lana qaabileynin Madaxweyne Sharif Sheekh Axmed.

Intaa kaddib, caddeymihii ayuu madaxweyne Xasan Sheekh ula laabtay saaxibadiis Faarax & Cabdikarim. Inkastoo Cabdikarim qaatay caddeeymaha ayaa Faarax waxa uu ka biyo diiday hadalka kooxdaan oo uu arkay in aay tahay dhagar ay rabaan in ay ku afgambiyaan kooxdiisa.

Si kastaba ha ahaatee, fekerkii Alla Sheekh wuu ka gadmay Xasan Sheekh, waxaana bilaabatay xulashadii RW waddanka, waxaana kama danbeystii helay CCC oo uu xabadka u garaacday wiil yar oo ka shaqeeya Safaarada Mareykanka ee Nairobi, Gamal kaasoo watay in laba qof oo midna aay saaxiibo yihiin midna qaraabo loogu daro Golaha wasiirada (Ilka Jiir & Qaasim Guuled).

Haddaba maxaa dhacay intaa kaddib.

Waxaa bilaabatay xulashadii golaha wasiirada, waxa aayna kooxda Alla Sheekh u ballan qaadeen kaalmo iyo taageerid R/W CCC waa haddii uu yeelo sida ay rabaan. Ogow waxaa kaloo jira xiriir hoose oo ka dhexeeya Gamal, Abshir Buqaari iyo Ceynte, ninkan oo aay kooxda Alla Sheekh machadkooda Heritage report-yada ay qoraan ee sirta ah loo marsiiyo Safaaradda Mareykanka.

Waxaa billowday intaa kaddib in kooxdan ay god iyo geed dheerba u galaan in aanay soo noqon saaxiibada Madaxweyne Xasan Sheekh ee afarta ah. Iyagoo adeegsanaya kudladaha gaar ahaan tii la magac baxday BADBAADO iyo iyagoo ka heystaa rabitaan uu R/W CCC ku diidanaa afartaas shaqsi ayey ku guuleysteen in la diido afarta nin taasina ay keentay in uu mugdi soo kala dhex galo madaxweynaha iyo saaxibadiis.

Intaa kuma aaysan ekaan ee kooxda Alla Sheekh waxa aay ku guuleysteen in laba wasaaradood oo muhiim ah ka helaan golaha wasiirada. Haddaba maxay tahay sababta ay u doorteen labadaas wasaaradood?

  1. Waxaa kooxda ay ka heli jireen dhaqaale dowladda Turkida, kaa soo la soo marsiin jiray jidad sharci darro ah.
  2. Taas ayaa keentay in Ceynte uu qaato Wasaarada Qorsheynta iyo ISKAASHIGA CAALAMIGA AH. Taasoo siineysa kooxda ALLA SHEEKH wado fiican oo aay ku helaan dhaqaalihii ay heli jireen iyo mid ka badan sida kan ummadda la siin doono, sida uu ballan qaaday Madaxweyne Tayib Erogan. 

Maxaa Dhici Doono Sanadkan? 

Faarax Cabdulqaadir iyo kooxdiisa waxa ay bilaabi doonaan dagaal ka dhan ah kooxda Alla Sheekh oo hadda haysata awoodii dowladda. Ogow aqristow, Odowaa waxaa meesha looga saaray Cabdikarin oo arrinta uu si aad uga shaqeeyay Abshir Bukhaari. Cabsida aay tani leedahay ayaa ah in uu dagaal sokeeyo ka dhex dhaco walaalaha ay ka soo kala jeedaan Odawaa iyo Cabdikariin.

Waxaa kaloo hubaal ah in EMAIL-KII beenta ahaa ee laga gaday Xasan Sheekh in uu isagana bannaanka uu soo bixi doono marka dhaqaalaha deeqaha caalamiga ah loo weeciyo dhanka kooxda Alla Sheekh oo dhawaan Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed uu keeni doono hay’addiisa samafalka SAMADOON magaalada Muqdisho, taasoo uu kaga dhawaaqay dalka Ingiriiska. (Xisaabta hadda ayey isku kaa qabatay baan filayaa).

Waxaa aay kooxdan abaabuli doonaan haddii uu damco in Madaxweyne Xasan Sheekh is hortaago. Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha, taasoo hadana waddanka gelin doonta xasilooni darro siyaasadeed oo aan laga soo waarsan.

Intaasi waxaa sii dheer qorshaha ay u dejiyeen in ay kaga taqalusaan Sharif Xasan Sheekh Aadan oo aay hadda wadaan in lagu kiciyo beel weynta Hawiye ee deggan Gobolka Shabeelaha hoose, taasoo loo xil saaray Wasiirka Arimaha gudaha Odowaa.

Aqristoow ogoow in kooxdan aay ku bixiyeen dhaqaale aad u tiro badan in la ansixiyo golaha wasiiradan oo aay ku leeyihiin xubno muhiim oo isugu jira wasiiro & wasiir ku xigeenno. Inta aanay la gelin heshiis markii kooxdii Xasan Sheekh ay kaga guuleysteen in la rido R/W hore Cabdiwali Sheekh ayey ahayd waqtigii aay kooxdan Alla Sheekh u tageen Madaxweyne Xasan Sheekh oo aay la galeen heshiiska kor ku xusan.

Allow sahal amuuraha.

muuse