28.8 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

XILDHIBAAN ka tirsanaa baarlamaanka SOMALIA oo geeriyooday (Magaciisa)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku geeriyooday magaalada Mombasa ee dalka Kenya, halkaasi oo muddooyinkaan uu ku xanunsanayay.

Xildhibaanka oo magaciisa lagu shegay Xaaji Cabdi Maxamed Cali ayaa kamid ahaa xildhibaanada ugu da’da weyn ee baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna lasoo shaqeeyay dowladahii kala duwan ee dalka Soomaaliya soo maray.

Xildhibaanka ayaa ku jiray isbitaal ku yaal magaalada Mombasa ee dalka Kenya, waxaana xildhibaanka la qorsheynayaa in meydkiisa la keeno magaalada Muqdisho si loogu aaso.

Maxamed C/rashiid oo kamid ah ehelada xildhibaanka geeriyooday ayaa sheegay in xildhibaanka ayaa ka tacsiyeeyay gerida xildhibaanka isagoo xaqiijiyay in waaberigii saaka uu xildhibaanka ku geeriyooday magaalada Mombasa.

Xildhibaanka ayaa ka tagay xaas iyo caruur uu dhalay iyo waxii ay sii dhaleen, waxaana laga xasuustaa labo wiil iyo labo gabar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News