24.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 28, 2026

Muqdisho oo caawa galeysa xaalad aan caadi ahayn oo koronto iyo internet la’aan ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ayaa caawa geli doonta saacado koronto iyo internet la’aan ah, xilli ay taagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhexeysa hoggaanka dowladda iyo mucaaradka.

Sida ay shaaciyeen shirkadaha korontada ee BECO iyo isgaarsiinta Hormuud, waxaa caawa la sameyn doonaa hawlo farsamo oo saameyn doona adeegyada korontada iyo internet-ka.

Shirkadaha Hormuud iyo BECO ayaa ogeysiisyo ay soo saareen ku wargeliyey shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho arrintan.

Labada shirkadood ayaa sheegay in hawlaha cillad-saarista iyo dayactirka farsamo ay bilaaban doonaan 1:00 habeenimo, waxaana la filayaa inay socdaan illaa 4:00 AM.

Sida ku xusan ogeysiisyada, shaqooyinka la qabanayo ayaa la xiriira hagaajinta iyo hubinta habsami-u-socodka adeegyada ay bixiyaan shirkadaha, si loo yareeyo cilladaha iman kara mustaqbalka.

BECO iyo Hormuud ayaa shacabka ka dalbaday inay u dulqaataan hakadka ku-meelgaarka ah ee ku iman doona korontada iyo internet-ka, iyagoo xusay in tallaabadan ay muhiim u tahay tayeynta adeegyada.

“WARGELIN: Macmiilkeenna sharafta leh, waxaan si xushmad leh kuugu wargelinaynaa in aan hawlo horumarin ah ka qaban doonno adeegga internet-ka laga bilaabo 11/06/2026 saacadda 1:00 AM ilaa 4:30 AM habeenimo. Waxaan kaa codsanaynaa in aad noo dulqaadato haddii aad muddadaas culeys dareento. Mahadsanid,” ayaa lagu yiri farriinta Hormuud.

Sidoo kale, farriinta shirkadda korontada ee BECO ayaa lagu yiri: “Mudane Macmiil, waxaa ka maqnaan doona adeegga korontada 11/06/2026 saacadda 01:00 AM ilaa 03:00 AM, sabab la xiriirta dayactir.”

Hakadka adeegyada ayaa saameyn kara kumannaan qof oo ku tiirsan korontada iyo internet-ka ee magaalada Muqdisho, iyo sidoo kale qaar ka mid ah adeegyada muhiimka ah ee caasimadda, maadaama labada adeeg ay laf-dhabar u yihiin howlaha maalinlaha ah.

Si kastaba, arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli magaalada Muqdisho ay ka jirto xiisad siyaasadeed oo u dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah mucaaradka, kuwaas oo toddobaadkii lasoo dhaafay uu dhexmaray dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac.

- Advertisement -

Read more

Local News


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60