Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dawladda Xasan Sheekh oo ay majaraha u hayaan kooxda Damujadiid ayaa dooneysa in shirka Maamul u sameynta la tagaan meel aysan joogin ciidamada AMISOM, beelaha Soomaaliyeedna kalsooni ku wada qabin si uu ugu hirgalo qorshahooda ah in Maamulka Gobolada Mudug iyo Galgaduud madax uga dhigaan Cabdikariin Xuseen Guuleed oo Soomaali dhexdeeda uga waayeen wasiirnimo.
DHUUSAMAREEB
Magaalada Dhuusamareeb waa magaalo madaxda Gobolka Galgaduud waxaa gacanta ku haya Maamulka Dawladda Soomaaliya, waxaa jooga Gudoomiyaha Gobolka oo Dawladda Federaalka Soomaaliya Magacaawday Xuseen Weheliye Cirfo, sidoo kale waa xarunta ciidamada qeybta 21-aad ee xooga dalka Soomaaliya, waxaa ku sugan Taliyaha qeybta 21aad G/dhexe Sulub Axmed Diriye iyo Abaanduuliyaha qeybta 21aad ee xooga dalka Soomaaliya Col Salaad Amakaag. Waxaa kale oo jooga oo ay saldhig u tahay ciidamo milateri ah oo hoostaga Dawladda Federaalka Soomaaliya oo gaaraya 1000 askari.
Sidoo kale Magaalada Dhuusamareeb waxaa ku sugan Ciidamada midawga Afrika (AU) AMISOM gaar ahaan ciidamada Itoobiya, hadda waxaa ku sugan oo uu shir dib u heshiisiin ah uga socdaa 9 beelood oo kamid ah 10-ka beelood ee dega Mudug iyo Galgaduud. 9-kaan beelood waxey heshiis ku yihiin oo ay doonayaan in shirka maamul u sameynta kusii wataan Magaalada Dhuusamareeb oo ciidamada AMISOM amaankeeda gacanta ku hayaan, waxey kasoo horjeedaan in shirka Maamul u sameynta Gobolada Dhexe afduubtaan kooxda Damujadiid.
CADAADO
Magaalada Cadaado waa degmo kamid ah Gobolka Galgaduud, sanadihii ugu danbeeyay waxaa ka talinayey maamulkaXiman iyo Xeeb, waxaa degan hal beel oo kamid ah 10-ka beelood ee wada dega gobolada Galgaduud iyo Mudug.
Kooxda Damujadiid ee Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Maamulka Ximan iyo Xeeb waxay heshiis ku yihiin in Damujadiid keensato Madaxweynaha halka Ximan iyo Xeeb la siinayo Caasimada Maamulka Gobolada Dhexe. Sidaa darted Kooxda Damu-Jadiid ayaa dooneysa in Cadaado lagu qabto shirka, si madaxweyne loogu doorto Cabdikariim Xuseen Guuleed.
DAWLADU MAXAY KU KALA JECESHAHAY DHUUSAMAREEB IYO CADAADO.
Dawladda ay Damujadiid hoggaamiso waxay uga carareysaa Magaalada Dhuusamareeb oo maamul hoos tagaahi joogo iyo ciidamada AMISOM-ba, beelihii dhisan lahaana maamulka haatan wada joogaan in qorshaha kooxda Damujadiid uusan kasuura geli karin magaalada Dhuusamareeb.
Sababtu waxa ay tahay in shirka dib u heshiisiinta iyo Maamul u sameynta Gobolada dhexe ee halkaa ka socdo aysan majaraha u heynin kooxda Damujadiid balse ay shirkaas majaraha u hayaan waxgaradka 9-ka beelood oo diidan in shirka maamul u sameynta gobolada dhexe afduubtaan kooxda damujadiid.
Isku soo wada duube beelaha gobolada dhexe ee haatan shirka uga socdo magaalada Dhuusamareeb ayaan dooneyn in fadhigooda ku kala kacaan ilamaa ay maamul ka sameysanayaan, halka kooxda Damujadiid dooneyso in shirka la tagto magaalo aan AMISOM joogin, si sahlana ku tegi karin, beelaha gobolada dhexe-na dooneyn inay hadda tagaan sababo amaan awgeed, Damujadiid ayaa aaminsan kaliya in qorshahoodu fuli karo kaliya haddii shirka la tagaan cadaado, arintaas oo beelaha gobolada dhexe diidan yihiin.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

