Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in Kooxo hubeysnaa ay halkaasi ku dileen Nabadoon Caan ka ah Magaaladaasi Baledweyne oo lagu Magacaabi jiray Nabadoon Xaaji Buurow.
Dilka Nabadoonka, ayaa waxaa fuliyay rag hubaysan oo toogtay, xili uu kasoo baxaayay aqalkiisa oo ku yaala Galbeedka Magaalada Beladweyne, sida laga soo xigtay dad goobjoogayaal ah.
Sidoo kale, Nabadoonka ayaa waxaa la dhintay labo kamid ah Ilaaladiisa oo la socday xiliga dilka loo geeysanayay.
Nabadoonka ayaa maalmihii ugu dambeeyay mashaariic dhisme ka waday xarunta maamulka Gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Somalia oo iminka ay ka socdaan dhismooyin kala duwan.
Dhanka kale, Ciidamada DF ayaa gaaray goobtii uu dilka ka dhacay, sida looga bartayna waxa ay halkaasi ka sameeyeen baaritaano ay ku baadigoobayan cidii ka dambeysay dilka Nabadoonkaasi.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

