28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

R/W Cumar oo ka hadlay arrimo badan baaqna u diray xubnaha xukuumadiisa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo ku sugan dalka Canada, ayaa waxa uu ka hadlay shaqada hortaal Xukuumadiisa.

Waxa uu R/W CC sheegay in Xukuumadiisu ay xooga saari doonto sida Somalia loo gaarsiin lahaa hiigsiga 2016, waxa uuna Tilmaamay in iminka ay ka shaqeynayaan sida Somalia loo gaarsiin lahaa doorasho xor ah.

Wuxuu tilmaamay inay ka go’an tahay hirgalinta hiigsiga, waxa uuna meesha ka saaray wararka la xiriira in Somalia aysan ka dhici karin doorasho xor ah.

Ra’isul wasaaraha waxa uu intaa kusii daray hadalkiisa hadii aanu imaan caqabad dowladda dhexdeeda ah in ay hiigsiga gaari doonaan.

Sidoo kale, R/W CC ayaa ka hadlay in Xukuumadiisu ay iminka meel wanaagsan marineyso dhismaha maamulada Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, kaasi oo qorshihiisu uu hadda maraayo ilaa heer gabogabo.

Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha ayaa tilmaamay in xubnaha wasiirada ah ee qaarkood xilalka la wareegay uu ka rajeynayo in dalka meesha hadda uu joogo ay ka qaadaan islamarkaana ay gaarsiiyaan hiigsiga 2016.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News