28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

C/Weli GAAS oo ku wajahan Kismaayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Warar aan helnay ayaa sheegaya in hogaamiyaha maamul goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas todobaadka soo socda booqasho ku tegi doono magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland.

Wararku waxay intaas ku darayaan in booqashadani salka ku hayso casumaad rasmi ah oo hogaamiyaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaan (Madoobe) u fidiyey dhiggiisa Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Labada mas’uul ayaa bishan horraanteedii magaalada Mudisho uga qayb galay shir afar-geesood ahaa kaasoo ay isugu yimaadeen madaxda dowlada dhexe iyo madaxweyneyaasha Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

Shirkaas oo fikirkiisa dowladaha qaybta ka ah federaalku la yimaadeen, waxaa markii hore qorshuhu ahaa in lagu qabto magaalada Kismaayo haseyeeshee mar dambe ayaa Muqdisho dib loogu soo wareejiyey.

Axmed Madoobe tan iyo markii hoggaamiyaha loo doortey wuxuu Puntland booqasho ku yimid labo mar.

Todobaadkii hore ayey ahayd markii hoggaamiyaha Puntland uu booqasho muddo saddex maalmood ah qaadatey ku tegey xarunta dalka Ethiopia ee Addis Ababa.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News