26.9 C
Mogadishu
Monday, February 9, 2026

“Dagaalka waxaa hurinaaya dhinacyo shisheeye, waxaan haynaa xog cusub”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Guriceel (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Sadexda Gole ee Ahlu Sunna Sheekh Ibraahim Guureeye oo ka hadlaayay dagaalada ka socanaya Degmada Gurceel, ayaa sheegay in dagaalkaasi uu yahay mid aysan ka qeybqaadan Ururka Ahlu sunna.

Waxa uu sheegay in raga Ciidamada DF Somalia kula dagaalamay Degmada Gurceel ay yihiin kuwa aan gabi ahaan matalin Ahlu sunna.

Wuxuu Sheekh Ibraahim Guureeye sheegay in Dagaalkaasi ay ku lug leeyihiin oo ay hurinayaan dhinacyo Shisheeye, waxa uuna ka gaabsaday in uu faahfaahin ka bixiyo waxa ay yihiin kuwa hurinaaya.

Sidoo kale, Afhayeen u hadlay Ciidamada gacanta ku haya Degmada Guriceel ayaa beeniyay wararka la xiriira in dagaalka aysan qeyb ka aheyn Ahlu sunna, waxa uuna waxkama jiraan ka dhigay hadalka kasoo yeeray Gudoomiyaha Sadexda Gole ee Ahlu Sunna Sheekh Ibraahim Guureeye oo ahaa inaysan kamid aheyn dagaalka ka socda Gurceel.

Afhayeenka ayaa muujiyay in Ahlu sunna ay ka faa’ideysaneyso hadalkii uu dhawaan sheegay Madaxweyne Xassan ee ahaa in Ahlu sunna aysan ku jirin dagaalka balse taasi ay tahay mid ka fog xaqiiqda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News