29.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

GALEYR oo ka cabanaaya S/L iyo S/L !

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Khaatuma Cali Khaliif Galeyr oo ka hadlaayay arrinta Maamulkiisa ayaa waxa uu sheegay in maamulada Puntland iyo Somaliland ay caqabad ku yihiin jiritaanka Maamulkiisa.

Galeyr waxa uu sheegay in hada Magaalada Muqdisho uu u joogo in wada hadalo uu la yeesho Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Somalia, isaga oo dhinaca kale ku eedeeyay dowladda in aysan aqoonsaneyn Khaatum State.

Cali Khaliif waxa uu Tilmaamay in DF Somalia ay u jilicsan tahay Puntland iyo Somaliland, balse looga baahan yahay inay wada sinto Maamulada dalka ka dhisan, islamarkaana ay ku qasban tahay inay aqoonsato Maamulkiisa Khatumo.

‘’Doorashadeydu waxaa ka horeysay Baarlamaanka, aniga markii ley doortayna waxan sameeyay xukuumad, ujeedkeenu waa inaan wadno howsha ilaa aan ka gaarno halkii aan hamineynay’’

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri ‘’Dastuurka waxaa ku qoran in laba gobol iyo wixii ka badan ay maamul sameysan karaan, Puntland iyo Somaliland horay ayay u jireen Jubbooyinkana dhawaan ayaa la sameeyay waxaa ka dambeeyay baay iyo bakool iyo shabeellada hoose, nasiib daro BF iyo Xukuumada hada jirta Khatumo uma arag inay maamul jiro tahay, iyaga ayaa taasi wax laga weydiin doona in maqaamkii ay taagneyd khatumo aan lasiin’’

‘’Inta badan xukuumadu wan is aragnay waana kawada hadalnay laakiin madaxda sare ee DF dhankooda ayay howshu ka fadhisaa, iyaga ayaan ka dhowr sugeynaa’’

Isagoo mar kale ka hadlaayay Caqabadaha ka heysta dhanka Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa waxa uu yiri ‘’Ciidamada Puntland waxa ay meesha u yimaadan arrimo siyaasadeed, kuwa Somaliland ayaa dhibka ugu badan nagu hayo, waxaana ii muuqata inay caqabad ku yihiin hanaanka Siyaasadeed ee Khatumo’’

‘’Puntland iyo Somalialnd mar mar ciidamadooda wey imaadan deegaanada khatumo, balse waxaa faragalinta wada ciidamada Somaliland oo shacabka dhibaateeyo taasina dowlada federaalka ayay ku xiran tahay’’

Dhanka kale, waxa uu meesha ka saaray in DF ay daneyneyso jiritaanka Khatumo, waxa uuna codsaday in Madaxda qaranka ay usoo dabcaan shacabka ku nool deegaanada Khatumo si ay u yeeshaan maamul jira.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News