27 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Madaxweyne Obama oo 25 sano kadib safiir rasmi ah usoo diray Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington DC (Caasimada Online) – MadaxweynahaMareykanka Barack Obama ayaa magacaabay safiirka ugu horreeyey ee Mareykanka u qaabilsanaan doona Somalia ku dhowaad 25 sano kadib.

Obama ayaa talaadadii waxa uu shaqadan u doortay diblomaasi rug caddaa ah oo lagu magacaabo Katherine Simonds Dhanani, oo fadhigeedu noqon doono magaalada Nairobi ee dalka Kenya, inta xaaladda ammaan ay ka saamaxeyso in dib loo furo safaaraddi USA ee Muqdisho, sida ay sheegtay waaxda arrimaha dibedda.

Dhanani oo hadda ah agaasimaha arrimaha ammaanka iyo gobolka ee xafiiska Africa ee waaxda arrimaha dibedda ayaa horey uga soo shaqeysay dalallka India, Mexico iyo Guyana. Waxa ay khibrad gaar ah u leedahay Africa, ayada oo xilal kasoo qabatay dalal ay ka mid yiiin Zimbabwe, Gabon, Zambia, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Jamhuuriyadda Congo.

Katherine Simmonds
Safiirka Mareykanka ee Somalia, Katherine Simmonds

Mareykanka, waxa uu sanadihii ugu dambeeyey lahaa ergey gaar ah oo u qaabilsan Somalia, waxaana magacaabista safiirkan ay muujineysaa is-beddel siyaasadeed oo weyn.

Waaxda arrimaha dibedda Mareykanka waxa ay sheegtay in magacaabista safiirka Mareykanka ee Somalia ay tahay astaan muujineysa sida Mareykanka ay uga go’an tahay wax ka qabashada Somalia.

“Magacaabistan taariikhiga ah waxa ay tuseysaa xiriirka sii qota dheeraanaya ee Somalia iyo Mareykanka” ayay tiri Jen Psaki oo ah afhayeenka waaxda arrimaha dibedda Mareykanka.

“Waxa ay tani noo ogolaneysaa inay xusno horumarka ay dadka Soomaaliyeed ka sameynayaan kasoo kabsashada in ka badan 20 sano oo colaad ah” ayay sii raacisay.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda sanadkii hore safiir u soo dirtay Washington DC.

Caasimada Online
Xafiiska Washington DC
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News