25.8 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

A/Sunna oo ka hadashay dagaalka G/C

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdi Nuur Maxamed Xuseen oo ah Afhayeen u hadlay garab kamid ah Ahlu Sunna ee Dagaalka kula jira Ciidamada DF Somalia ee ku sugan Duleedka Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa ka hadlay Dagaaladii shalay ka dhacay Degmada Guriceel.

Cabdi Nuur Maxamed Xuseen ayaa sheegay in ay wali gacanta ku hayaan Magaalada kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in dhinaca kale ay gudaha u galeen Degmada.

Kooxda ayaa ku eedeysay Dowladda inay qaadeyso Mas’uuliyada Dagaalkii shalay ka dhacay Degmada, iyaga oo sheegay in lagu soo gardarooday.

Dhanka kale, Xaaladda Degmada Guriceel ayaa saaka u muuqata mid dagan inkastoo wali ay jiraan dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo xiisad Dagaal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News