25 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Arag Sawirrada: Meydka gabar da’yar ah oo maanta laga helay Xeebta Liido

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-War goor dhow nasoo gaaray, ayaa sheegaya in Xeebta Liido ee Degmada Cabdi Casiis, laga helay Meydka gabar da’ yar oo aan la garaneynin sababta ka dambeysay geerideeda.

Meydka Gabadhaani, ayaa waxaa laga soo qaaday Xeebta iyadoona la dhigay Isbitaal ku yaala Degmada Xamar weyne oo lagu magacaabo Iqra.

Dhakhaatiirta Isbitaalka oo baaritaano ku sameeyay Meydka Gabadha ayaa waxa ay xaqiijiyeen in Meydka usan ku yaalin wax dhaawac ah, balse loo badinayo in lagu dilay Ceeji.

Dhanka kale, Isbitaalka ayaa waxaa buux dhaafiyay Boqolaal shacab ah, mana jirto cid garatay Meydka gabadhaasi oo da’ yareed.
1

2

3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News