Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo naga soo gaaraya dhanka Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Saareeye Guuto Xasan Maxamed Xuseen Mungaab, ayaa sheegaya in Gudoomiyaha lagu cadaadinaayo inuu is Casilo.
Wararku waxa ay tibaaxayan in xiriirka Madaxweyne Xassan iyo Mungaab oo sii xumaaday uu sababay in qalqiil uu galo xilka Mungaab, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in Xassan Sheekh uu iminka xil ka qaadista Mungaab kala tashanaayo Odayaal iyo Siyaasiyiin la sheegay inay is xigaan Mungaab.
Sidoo kale, Saraakiil ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa xaqiijiyay in Tiro Gudoomiye Degmeedyo ay Xafiiska Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha dalka u gudbiyeen warqado cabasho oo ay ku cadeynayaan inaan loo dhameystirin Mushaaraadkii ay ku lahaayen Maamulka.
Gudoomiyayaasha ayaan inta badan lasiin wax Mushaar ah, halka qaarkoodna ay ka cabanayaan dhaqaalo la’aan sababtay burburka wadooyinka Degmooyinkooda.
Hadal-heynta ugu badan ee xiligaani ka taagan Magaalada Muqdisho iyo Xarunta Gobolka Banaadir ayaa ah in Gudoomiyaha laga qaadi doono xilka, waa haddii uu ka dhaga adeego Is Casilaad la sheegay in loogu baaqay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]