Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si xooli ah uga socda Isticmaalka Lacagta Dollarka Mareykanka, iyadoona ay sii yaraaneyso lacagta Shilinka Soomaaliga.
Inta badan Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa ah kuwa ku dhowaad 80% isticmaala Lacagta Dollarka sida xiliyada ay isticmaalayaan gaadiidka, Adeega suuqyada, Maqaayadaha, Goobaha shaahiga iyo dhamaan Adeegyada kale, waana tan keentay in shacabku ay is weydiyaan Lacagta Shilinka Soomaaliga.
Ganacsade Maxamuud Axmed Cali, ayaa sheegay in bulshada ay dhibaato ku qabto lacagaha iska bar bar shaqeynaya ee kala ah tan shilinka Soomaaliga iyo tan kale ee Moobeelada lagu shubto loona yaqaan EVC-ga oo loo isticmaalo qaab Dollar ahaan.
Ganacsadaha ayaa DF Somalia uga digay inay iska indhatirto Lacagaha shilin Soomaaliga ee suuqa kasii baxayo, waxa uuna ugu baaqay Wasaarada Maaliyada in ay arimahaasi wax badan ka qabato ayna soo daabacdo lacag Cusub oo Shilinka Soomaaliga ah.
Waxa uu sheegay in Somalia gaar ahaan Magaalada Muqdisho ay isku bedeshay Gobol kamid ah Mareykanka islamarkaana laga ilaabay qiimaha Lacagta Shilin Soomaaliga.
“Anaga dhibaato weyn ayan ku qabnaa isticmaalka labada lacag, boqolkii qofba laba ama hal ruux ayaad ku arkeysaa shilin Soomaaliga”
Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada Dalka waxaa aad u yaraaday isticmaalka lacagta Shilinka Soomaaliga ah waxaana taa badalkeeda ay dadku isticmaalaan lacagaha Moobeelka lagu shubto ee hawada la isaga diro iyo sidoo kale lacagaha Dollarka, waxaana suurto gal ah in isticmaalka lacagta kunka Shilin uu meesha gabi ahaan ka baxo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]