Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaare ku-xigeenka Somalia Maxamed Cumar Carte Qaalib oo kamid ahaa Mas’uuliyiintii ku dhaawacmay Qaraxyadii mataanaha ahaa ee ka dhacay Centeral Hotel ee Magaalada Muqdisho, ayaa rajo wanaagsan laga muujinayaa xaaladiisa Caafimaad.
Mid kamid ah Mas’uuliyiinta la socta dhaawaca Ra’isul wasaare ku-xigeenka ayaa kusoo waramaaya in Xaalada Maxamed Cumar Carte Qaalib, ay tahay mid rajo wanaagsan laga muujinaayo, waxa uuna Tilmaamay inay jiraan dhaawacyo kasoo gaaray firirka Qaraxa.
Waxa uu sheegay in qeybta kore ee jirkiisa ay ka buuxaan firiri, islamarkaana laga saarayo, waxa uuna intaa ku daray in lagu sameeyay qaliino fudfudud, bacdamaa ay jiraan firiro ku jira oogadiisa.
Sidoo kale, Mas’uulkaasi ayaa sheegay in muhiimada ugu weyn ee dhaawaca Maxamed Cumar Carte Qaalib loogu qaaday Dalka Turkiga ay tahay in laga soo saaro biraha qaraxa ee jirkiisa galay, islamarkaana dawooyinka u harsan uu ku qaadan doono Magaalada Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay.
Ma usan sheegin xiliga dib loogu soo celin doono Magaalada Muqdisho, balse waxa uu carabka ku dhuftay in ka hor soo bixitaankiisa ay Turkiga ku booqan doonaan Mas’uuliyiin ka tirsan DF Somalia.
Maalinimadii jimcaha Feb 20, 2015 ayay aheyd markii Haweeney ka shaqeyneysay Centeral Hotel ay isku qarxisay xili ay Mas’uuliyiin ka tirsanaa DF ay halkaasi ku cibaadeysanayeen.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]