Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiisha Laamaha Amaanka DF Somalia, ayaa wada qorsho cusub oo lagula dagaalamaayo Milkiilayaasha Hoteelada iyo Goobaha lagu caweeyo ee ku yaala Magaalada Muqdisho.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in gudaha Asbuucaani ay DF ku mashquulsaneyd tayeynta ciidamo gaaraya 150 ilaa 200 oo iyagu baaritaano gaar ah ku sameyn doono Hoteelada iyo Baararka lagu caweeyo.
Sargaal ka tirsan Ciidamada DF Somalia, ayaa inoo xaqiijiyay in DF Somalia ay mar qura Howlgalo ka sameyn doonto, waxa uuna carabka ku dhuftay inay wadaan qorsho Ciidamo si gaar ah ula wareegi doono Amaanka Hoteelada.
Dhanka kale, ma uusan sheegin goorta ay bilaabi doonaan Howlgalada laga sameynaayo Hoteelada balse waxa uu Tilmaamay inay ku wajahan yihiin.
Maanta oo kale ayaa ku beegan maalintii la Qarxiyay Hotel Centeraal ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo sababay geerida Mas’uuliyiin badan iyo dad shacab ahaa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

