Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan Maamulka Ahlu sunna Waljameeca ayaa sheegay in Dowlada Ethiopia ay bilowday dadaalo ay kusoo xulaneyso shaqsiga ay la dooneysoMadaxweynaha Maamulka la doonayo in laga hirgeliyo gobolada Mudug iyo Galguduud ee bartamaha Soomaaliya.
Waxa ay sheegen in Ethiopia ay wadato Danjirihii DF Somalia u fadhiyay Magaalada Addis-Ababa Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan, kaasi oo iminka wado shirar uu ku kasbanaayo Odayaasha, Siyaasiyiinta, inkastoo Ahlu sunna ay sheegtay inay taageersan tahay musharaxa Cusub.
Wakiilada Ethiopia u jooga dalka Somalia ayaa iyagu walaac ka muujiyay Toboneeyada Musharaxiin ee isku soo taagtay madaxtinimada Maamulka, waxa ayna Ethiopia musharaxiintaasi ku dhaliishay inaysan laheyn sabab xilkaasi loogu dhiibo, bacdamaa ay kasoo jeedan Ururo ku jira Xeendaabka xagjirnimo.
Dowlada Ethiopia ayaa dhigeeda Somalia usoo bandhigtay rabitaankeeda, waxa ayna kuwar galisay inaysan ka raali noqon doonin in Maamulka la doonayo in laga hirgeliyo gobolada Mudug iyo Galguduud ee Bartamaha Somalia uu kusoo baxo shaqsi kasoo Jeeda Ururada Islaamiga, waxa ayna taasi ku tilmaantay mid suuragalin karta carqalad dhanka amaanka ah oo ku imaada Ethiopia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]