Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Garoowe, ayaa sheegaya in Wasiirada Maamulkaasi Puntland ay buux dhaafiyeen Madaxtooyada Maamulkaasi.
Wararku waxa ay sheegayaan in arrintaasi ay la xiriirto kadib weerarada lagu qaado goobaha ay Mas’uuliyiinta Maamulka ka degan yihiin magaalada oo xiliyada Habeenkii saaxiib u noqotay weeraro is xigxiga.
Qaar kamid ah Wasiirada Maamulka ayaa iminka Amaan u raadsaday Madaxtooyada Puntland si ay uga nabad galaan weerarada safka ah ee lagu qaado guryaha ay ku noolyihiin Mas’uuliyiinta ka tirsan Maamulka.
Mid kamid ah Saraakiisha ka howlgasha Madaxtooyada, ayaa inoo xaqiijiyay in Wasiirada iyo Xildhibaanada Maamulka badi ay ku uruuren Hoteelada iyo Madaxtooyada si ay u helaan amaan ka duwan kan ka jira Deegaanada ay uga noolyihiin Magaalada.
Dhanka kale, Walaaca soo foodsaaray Wasiirada iyo Xildhibaanada ayaa kusoo aadayo xili Habeen hore weerar laba jiho ah lagu qaaday guriga uu Boosaaso ka degan yahay Guddoomiyaha Gobolka Bari C/samad Galan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]