Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow naga soo gaaray Degmada Heliwaa ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhaceen Qaraxyo mataano ah.
Wararku waxa ay sheegayaan in Qaraxyadaasi lagu weeraray gawaari Cabdi Bile oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan DF Somalia.
Goobjooge ku sugnaa Goobta uu Qaraxa ka dhacay, ayaa sheegaya in Qaraxa uu ku dhintay Sarkaal Sare oo la rumeysan yahay inuu ka tirsanaa Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia, halka kuwa saarnaa Cabdi-bilahana uu soo gaaray dhaacawyo kala duwan.
Gaariga Cabdi-bilaha koowaad ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa Seddex ka tirsanaa Ciidamada kuwaasi oo durbadiiba loola cararay goobaha Caafimaadka.
Gaariga labaad ayaa waxaa la socday Sarkaalka dhintay, waxaa isna Meydkiisa halkaasi ka qaaday Ciidamo gurmad ahaa.
Dhanka kale, Qaraxyada oo ka dhacay inta u dhaxeyso Isgoyska SOS iyo Warshaddii Barafuunka, ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xili mudo Asbuuc ah uu Magaalada Muqdisho ka dhacay ilaa 6-lix Qarax.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

