30.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Dagaalka Guri-ceel oo laga cabsi qabo inuu yeesh weji cusub (Xog cusub) !!!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Guriceel (Caasimada Online) – Xilli gacan ku haynta Magaalada Guriceel ay isku hayaan Ciidamada Dowladda Somaliya iyo Ahlu Sunna Wal Jameeca, ayaa waxaa laga digay in dagaalka loo bedelo weji kale.

Tani, ayaa waxay ka dambeysay markii Cabdi Afweyne oo ka mid ah ganacsatada qaadka ee Gobolada Dhexe, uu si khalafsan kaga hadlay iska horimaad kooban oo maanta ka dhacay Koonfurta Guriceel, uuna ku sheegay weerar lagu soo qaaday beel gaar ah.

Iska horimaadka, ayaa ka dambeeyay markii xoogag hubeysan oo ka barbar dagaalamaayay Ciidamada Dowladda, ay maanta soo gaareen Ceelka Jafanjeef, ayna ku dhaqaaqeen Ciidamada Ahlu Sunna. Ahlu Sunna waxay halkaasi ka saartay Ciidamadii soo galay.

Cabdi Afweyne oo la hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa sheegay in beel uu Alle barri kaga soconaayay Jafanjeef, ay soo weerartay beel kale, isla-markaana aan la aqbali karin in beel ay si bareer ah ugu duusho beel kale.

Hadaba Nabadoon Daahir Xaashi, Nabadoon Cali Cabdi Dhukad, Nabadoon Maxamed Aadan iyo Gudoomiyiii hore ee Magaalada Guriceel Cali Sheekh Maxamuud, oo galabta shir jaraa’id ku qabtay Guriceel, ayaa waxay si xoogan u beeniyeen hadalka ka soo yeeray Cabdi Afweyne.

Xubnahaan, ayaa waxay aragti mideysan ku sheegeen in dagaalka Guriceel uu u dhaxeeyo Ciidamada Dowladda Somaliya iyo Xoogaga Ahlu Sunna Wal Jameeca, ee heysta Magaalada Guriceel, isla-markaana ay cid kasta ogtahay in dagaalku aanu wax xiriir ah la lahayn arrimaha beelaha.

Sidoo kale waxay ka diggeen in weji kale loo yeelo dagaalka u dhaxeeya Dowladda iyo Ahlu Sunna, si aan shaki loo gelin wada hadalada nabadeed ee laga dhex wado Ahlu Sunada Guriceel iyo Dowladda.

Xildhibaan C/laahi Jaamac Xuseen oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa Madaxtooyada Somaliya ku eedeeyay inay siyaasadeyneyso dagaalka Magaalada Guriceel.

Caasimada Online
Xafiiska Laascaanood
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News