27.7 C
Mogadishu
Thursday, April 23, 2026

Xildhibaanad ka tirsan BF SOMALIA oo taageertay go’aanka Somaliland ee…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo siyaabo kala duwan looga hadlay Shirka Magaalada Istanbuul ee Cariga dalka Turkiga, ayaa waxaa arrintaasi mar kale ka hadlay Khadro Ibraahim oo kamid ah BF Somalia.

Xildhibaan Khadro Ibraahim ayaa sheegtay in wado qaldan loo maray Wada hadalka DF Somalia iyo Maamulka Somaliland uga furmaayo Istanbuul.

Xildhibaanada ayaa Tilmaantay in DF ay ka weecatay nidaamka saxda ah, islamarkaana ay Istanbuul u dirtay Wufuud xili hore ay Somaliland ka digtay in laga qeybgalsho shirka wada xaajoodka.

Somaliland ayaa diiday in ay la fariisato Wafdiga dowladda sababo la xiriira Afar xubnood oo kasoo jeeda Deegaanadooda oo dowladda ku matalaya wadaxaajoodka.

Xildhibaanada ayaa soo jeedisay in Wadahadalada ay uga qeybgalaan dowladda Soomaaliya xubno u dhashay Koofurta Soomaaliya, si aan loo dayicin wakhtiga.

Dhanka kale, Waxa ay DF Somalia ugu baaqday in dib loo soo celsho xubnahaasi, ama dib u dhac lagu sameeyo wada hadalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News