32.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Dowladda Soomaaliya oo talo fiicaan laga siiyay QURBO-JOOGTA is qarxisa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)- Iyadoo dhawaan magaalada Muqdisho ay kusoo badanayeen dadka dibada ka yimaada ee isku qarxiya magaalada Muqdisho ayaa dowlada Soomaaliya waxaa arintaasi la siiyay talo wanaagsan.

Qaar kamid ah qurba joogta Soomaaliyeed ayaa soo jeediyay in dowlada Soomaaliya ay sameyso wasaarad u gaar ah dadka dibadaha ka yimaada, kuwaasi oo isku qarxiya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Siyaasi Cali Jaamac Jiraac, oo ku sugan dalka Ingiriiska ayaa soo jeediyay in dowlada Soomaaliya ay la socoto dhaqdhaqaaqa ay sameynayaan dadka dibada kasoo laabta ee imaanaya magaalada Muqdisho.

Qaraxii ugu dambeeyay ee uu sameeyay qof dibada kasoo laabto ayaa aha weerarkii ka dhacay hotelka Central ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ay fulisay gabar kasoo laabatay mid kamid ah wadamada Yurub.

Arintaasi ayuu siyaasiga sheegay inay fududeysan iyadoo aysan jirin cid si gaar ah ula socota dhaqdhaqaaqyada ay sameynayaan dadka dibada kasoo laabanaya.

Qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan afaafka hore ee Hotel SYL ayaa sidoo kale la sheegay inuu ka dambeeyay ruux dibada kasoo laabtay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News