Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore Gobolka Banaadir ahna Duqii Magaalada Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur ”Tarsan”, ayaa muddo dheer kadib ka hadlay Amaanka Magaalada Muqdisho iyo wadooyinka xiran.
Tarsan ayaa sheegay in tan iyo markii laga qaaday Xilka Gobolka, ay magaalada Muqdisho marti galineyso caburnaan lagu hayo Bulshada Muqdisho, waxa uuna Tilmaamay in wadooyinka Halboolaha u ah Magaalada lagu wada jaray dhagxaan, qaarna la dhigay Ciidamo iyagu caadeystay inay wadooyinka ka mamnuucaan Gaadiidka iyo dadka.
Tarsan oo arrintaasi ka hadlaaya ayaa waxa uu yiro “In la xiro wadooyinka Magaalada Muqdisho, iyadoo la lee yahay waxaa la suggayaa ammaanka, saas amni laguma suggo. Xaalad sidaan ka daran iyadoo Magaalada Muqdisho ka jirto, ayaan diiday in wadooyinka la xiro.”
Waxa uu intaa kusii daray hadalkiisa “Qaramada Midoobe waxay markaas iga codsatay inay xirtaan wadada horumarta meesha ay degan yihiin, waan ka diiday. Heer arrinta waxay gaartay in Madaxweynaha ay ula taggaan ugu dambeyntiina ma socon oo Gobolka aniga ayaa ka mas’uul ahaa.”
Wuxuu intaa raaciyay hadalkiisa “Ammaanka sida lagu suggo waala yaqaanaa, waxaa lagu suggaa in Dowladdu ay qorshe u dejiso ammaanka, Ciidamada amnigana ay ku shaqeeyaan qorshahasi. Wado la xiro iyo in wado la jaro ammaan laguma suggo.”
Haddalka Tarsan ayaa imaanayo xili xiliyada qaar ay Ciidamada DF Somalia ardayda iyo Ganacsatada u diidan isticmaalka Wadooyinka ay u kala gooshaan gaadiidka iyo dadweynaha, waxaana arrintaasi weli ka hadal Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha dalka oo iyagu indha un ka daawanaayo dhibka ka taagan Muqdisho.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

