Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo naga soo gaaraya Aqalka dalka looga arimiyo, ayaa sheegaya in Amni daro ay ka dhextaagan tahay xarunta.
Wararku waxa ay sheegayaan in gudaha Xarunta lagu arkay rag ku labisan dareeska Ciidamada Militeriga oo aan kamid aheyn kuwa DF Somalia, gaar ahaan kuwa ku shaqada leh Madaxtooyada.
Sargaal ka tirsan Ciidamada ilaalada ka ah Madaxtooyada, ayaa inoo xaqiijiyay in ragaasi laga shakiyay saacado kadib markii lagu dhex arkay Xarunta, waxa uuna Tilmaamay inay qalqal galiyeen Amaanka balse laga hortagay, si baaritaano loogu sameeyo.
Sidoo kale, Sargaalka ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Ciidamo ka tirsan ilaalada Madaxtooyada oo si qarsoodi ah u qaatay Bastoolado ay la haayen Saraakiil kale, taasina ay baaritaano ku hayaan, sababta keentay inay faragaliyaan Hub aysan laheyn.
Dhanka kale, go’aan kasoo baxay Saraakiisha khuseysa Amaanka Madaxtooyada ayaa waxaa lagu mamnuucay in gudaha Villa Somalia ay galaan Ciidamo la socda Wasiir ama Xildhibaan, waxaana lagu amray in banaanka sare lagu soo reebo Ciidamada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

