27.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Maareeye oo sharaxay dhacdooyinkii burburiyay shirkii Istanbul (Dhageyso)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo DF Somalia ay sheegtay in Mas’uuliyada Burburka Shirka Istanbuul ay leedahay Maamulka Somaliland, ayaa waxaa dhacdadaasi si qoto dheer uga hadlay Wasiirka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Wasiir Maareeye oo ka mid ahaa Wafdiga DF Somalia u matalayay Wadahadalada Magaalada Istanbul ayaa sheegay in Wafdiga Somaliland ay ku adkeysanayaan qodobo muuqda inay yihiin kuwo qaldan, waxa uuna tilmaamay in Somaliland aysan xaq u laheyn inay amraan DF oo iyadu wada dadaal lagu hakinaayo Khilaafka ay ka tabaneyso Somaliland.

Maareeye waxa uu sheegay in Somaliland ay mas’uul ka tahay burburka wadahadalada islamarkaana aysan munaasab aheyn go’aanka ay ku diideen in ay la fariisato xubnaha kasoo jeeda Somaliland oo isaga uu ka mid yahay.

Wasiir Maareeye oo taasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Waxii dowladii Milatariga gaarsiisay Somaliland waa looga garaabay hada waxaa yimid nidaam cusub oo Federaal ah kaasi ayaan la dooneyn Shacabka Somaliland”

‘’Micnuhu maaha inay ku dhegnaato Erayga ah in shirka laga saaro Xubnaha Somaliland kasoo jeeda, taasi DF Somalia uma joojin doonto, mar waliba wey naga go’an tahay balse Somaliland uma jilicsano inay qaatan Midnimo, xitaa Dowlada Turkida ayaa la yaabtay qodobada ay la imaaden’’

‘’Markii aan tagnay ayay durbadiiba ku uruureen Hoteelkii weyna noo muuqatay inay ka arinsanayeen arrinta Xubnaha kasoo jeeda Somaliland ee katirsan DF, dabcan caalamku way arkaan ficilada Somaliland, dowladuna wey sameysay inta karaankeeda ah’’

Dhanka kale, waxa uu walaac ka muujiyay kala go’a ku imaankara Shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna carabka ku dhuftay in Ciladu aysan aheyn Shacabka balse Siyaasiyiinta ay tahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News