Prof. Galeyr oo si cajiib ah uga hadlay fashilkii ku yimi wada hadalka DF & SL

Muqdisho (Caasimada Online) – Cali Khaliif Galey oo ah Madaxweynaha Maamulka Khaatuma  ayaa ka hadlay wada hadalada u dhexeeyay DF Somalia iyo Maamulka Somaliland.

Madaxweyne Galeyr waxa uu sheegay in wax layaab ah ay tahay in Maamulka Somaliland ay DF Somalia ku amarto in shirka laga qeybgaliyo shaqsiyaad ay iyaga rabaan, waxa uuna tilmaamay in taasi ay tahay mid aan socon doonin islamarkaana DF looga baahan yahay inay u dulqaadato caadifada ay muujineyso Somaliland.

‘’Waa arrin la yaab ah in Somaliland oo ah maamul ka tirsan Somalia ay isku daydo in amarkeeda ay ku shaqeyso DF Somalia, waxaan qabaa in Somaliland ay iyada u baahnaan doonto Somalia inteeda kale, dowladuna ay faraha ka qaado wada xaajoodka maadaama ay Somaliland iyada fashiliyeen’’

‘’Si waliba oo ay uga baxaan shirka iyaga ayaa u baahan Somalia cidna uma baahno, Beesha caalamkuna wey la soctaa cida ka dambeysay fashilka shirka, Turkiguna marqaati ayuu ka yahay, dowladu wey gudatay waajibkeeda hadii Somaliland marba ay qodobo la imaaneyso’’

Sidoo kale, Galeyr waxa uu dhaliilay qaabka uu Siyaasada Somaliland u wado Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo aqoon u leh xeerka Dowladaha, waxa uuna ugu baaqay inuu garwaaqsado inuu isaga sabab u yahay fashilka shirka maadaama uu yiri uu isaga hogaaminaayay wafdiga.

Dhanka kale, Madaxweyne Galeyr waxa uu Maamulka Somaliland ku dhaliilay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanka Saaxdheer oo lagu dilay tiro masaakiin ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com