Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa wado qorshe cusub oo amaro loogu oo rogayo hoteelada ku yaala magaalada Muqdisho, kaasi oo hadda qabyo ah.
Wararka aan helnay ayaa sheegaya in dowlada Soomaaliya ay ku amartay qaar kamid ah hoteelada magaalada Muqdisho iney la socdaan dhaqdhaqaaqa ay sameynayaan dadka laga kireynayo hotelka.
Waxaa sidoo kale lagu amray in kaamirooyinka CCTV lagu xiro hoteel walbaa si amaanka ay qeyb kaga noqdaan.
Caasimada Online, ayaa ogaatay in sidoo kale lgu amray hoteelad Muqdisho iney Copy ka reebaan baasaboorada dadka dibada ka imaamaya ama ajaaniib, si loola socdo dhaqdhaqaaqa ay sameynayan dadkaasi.
Sidoo kale Caasimada Online waxay ogaatay in la doonayo in hoteelada lagu soo qorshe dowlada ay kula soconeyso wax walbaa oo hotelka ka dhacaya si amaanka loo xaqiijiyo.
Arintan ayaa ka dambeysay kadib qaraxii ka dhacau Hotelka Central kaasi oo sababay dhimashada iyo dhaawaca masuuliyiin dowlada ka tirsanaa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

