28.7 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Xog: Khilaaf ka dhex curtay R/W CC iyo Faarax C/qaadir (Maxaala isku hayaa?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan Xafiiska ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa sheegaya in Khilaaf uu ka dhex taagan yahay Ra’isul wasaaraha iyo Wasiirkii hore ee Wasaarada Dastuurka Faarax C/qaadir.

Xubno la hadlay Caasimada Online, ayaa sheegaya in Khilaafka uu dhashay kadib markii Faarax C/qaadir iyo R/W CC ay isku qabteen Siyaasado ku xeen-daaban Hiigsiga 2016-ka.

Sidoo kale, wararku waxa ay intaa kusii darayaan in la isku qabtay dacwad ku saabsan faragalin uu Faarax C/qaadir ku sameeyay Xafiisyo dhowr ah, taasi oo uu R/W CC gaarsiiyay Madaxweyne Xasan iyo Ra’isul wasaaraha Ethiopia Helimaryam inta uu ku sugnaa Addis-Ababa. Sida la og yahay, Faarax ayaa si aad ah ugu xiran dowladda Ethiopia.

Sida ay wararku sheegayaa, wasiiro badan ayaa ra’iisul wasaaraha u sheegay inay ka shaqeysan la’ yihiin Faarax, taasi oo keentay in ra’iisul wasaaraha caroodo, kadibnala hadlo madaxweynaha.

Faarax C/qaadir ayaa weli awood ku dhex leh Xarunta Villa Somalia waxa ayna awoodiisu u dhigantaa tan Madaxweyne Xasan marka loo eego faragalinada uu ku hayo Xafiisyada aan isaga quseyn.

Khilaafka Faarax Cabdulqaadir iyo Cabdi Weli Sheekh Axmed, ayaa keenay in ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya uu xilkiisa uu waayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada @live.com

- Advertisement -

Read more

Local News