28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

XOG dheeri oo kasoo baxaysa rasaas iyo qaraxyo ka socda madaxtooyada…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah oo naga soo gaaraya Magaalada Beydhabo ee xarunta gobalka Baay, ayaa sheegaya in Maleeshiyada weerartay Xarunta Madaxtooyada Baydhabo laga saaray gudaha Xarunta.

Wararku waxa ay sheegayaan in raga weerarka qaaday ay wateen ilaa iyo Laba gaari, waxaana la tilmaamayaa in Iridka hore ee Madaxtooyada uu isku Qarxiyay mid kamid ah ragii galay Xarunta.

Qaraxa ruuxaasi naftiis huraha kadib ayaa waxaa la sheegayaa in goobta ay ku geeriyoodeen ragii kale ee dagaalka la galay ciidanka AMISOM.

Guud ahaan tirada dhimashada ee aynu haatan helnay waa 6 qof oo u badan ragii weerarkaasi soo qaaday, iyadoo dhaawac soo gaaray saraakiil iyo ciidan uu jiro.

Weerarkaan marka uu dhacayay waxaa gudaha madaxtooyada uu kulan uga soconayay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo sidoo kale saraakiil ciidan.

Dhanka kale, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inuu jiro dhaawacyo soo gaaray Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka, mana cada ilaa iyo iminka tirada ay gaarayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News