28.9 C
Mogadishu
Monday, June 16, 2025

Dhageyso: Xagee buu maraa qorshaha dhismaha maamulka Hiiraan iyo Sh/D

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Afhayeenkii hore ee maamulka gobalka Shabellaha Dhexe Daa’uud Xaaji Cirro, haatanna sheegay in uu yahay Afhayeenka guddi ka shaqeynaya dhismaha maamul u sameynta gobalada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ayaa faah faahin ka bixiyay halka uu marayo qorshahaasi.

Daa’uud ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo qorshaha maamul u sameynta Labadaasi gobal, islamarkaana rajo laga qabo in dhawaan lasii guda galo howlaha kale ee arintaasi ku aadan.

Waxa uu sheegay Afhayeen Daa’uud in ay dhaceen shirar kala duwan oo arimahaan looga hadlayay, kana qeyb galeen xildhibaano, siyaasiyiin iyo Odayaal dhaqameed.

Waxa uu tilmaamay in gudiyo ay sameeyeen kuwaa oo loogu tala galay in bulshada ay soo wacyi geliyaan, una sheegaan sida lagu mideyn lahaa gobaladaasi.

Xubno ka tirsan dowladda ayuu sheegay in ay qeyb ka yihiin qorshahaan maamulka loogu sameynayo Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe iyo mas’uuliyiin xilal horay uga soo qabtay dowladihii dalkan soo maray.

Sidoo kale Daa’uud Xaaji Cirro ayaa sheegay in Xukuumadda ay kala hadleen arrimo ku saabsan maamul u dhisidda goballadaasi, ayna rajeynayaan in la magacaabo gudiga farsamada.

Halkaan Hoose ka dhageyso

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News