Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka Khaatumo State ayaa sheegay in ay la dagaalami doonaan ciidanka Somaliland illaa iyo inta ay ka saarayaan deegaanada maamulkaasi uu sheego in uu maamulo.
Wasiirka warfaafinta ee maamulkaasi Maxamed Gacmo yare ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog Fm, waxa uu ku sheegay in maamulkooda muddo badan ay u dulqaateen daandaansi uu sheegay in Somaliland ay ku hayso dhulka Khaatumo ay maamusho, islamarkaana hadda uu dhamaaday sabarkii.
Waxa uu qiray wasiirka in dhawaan dagaal uu ku dhex maray duleedka magaalada Laascaanood ciidamada maamulka Somaliland iyo ciidanka maamulkooda khaatumo.
Wasiirka warfaafinta ee Khaatumo ayaa dhanka kale waxa uu ka hadlay kulamada mas’uuliyiinta maamulkaasi uga socda deegaanka Saaxdheer oo ay ku taallo madaxtooyada KMG ah ee maamulkaasi ayaa dhinaca kale maamulka Puntland ku eedeeyay in mararka qaar ay ku soo gardaroodaan deegaanada ay ka taliyaan.
Madaxweynaha maamulkan Cali Khaliif Galeyr ayaa mar uu u waramay Goobjoog Fm, waxa uu eedeyn kulul u jeediyay Somaliland iyo Puntland oo uu ku kala sheegay in ay kala wadaan dagaallo fool ka fool ah iyo mid siyaasadeed.
Halkaan Hoose ka dhageyso
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]