32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Sawirro iyo Video: Heerka horumarka iyo farxadda ka jirta Muqdisho (Daawo)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Haddii aad dooneyso inaad cabirto heerka horumarka, nabadda iyo farxadda Muqdisho, waxaa kugu filan inaad eegto in magaalada ay ka dhacayaan cayaaro kala duwan xilliyada habeenkii.

Habeen walbo oo jimco ah boqolaal dadweynaha Muqdisho isaga kala yimid, ayaa waxay daawashada Ciyaarta Basketball-ka u yimaadaan Garoonka “WIISH” ee ku yaal degmada C/casiis.

Ciyaarta Basketball-ka ayaa ah mid kamid ah ciyaaraha sida weyn looga jecelyahay Soomaaliya, 16ka degmo ee Gobolka Banaadir, ayaa degmo walbo waxeey leedahay Garoon lagu ciyaaro Basetball-ka.

Habeenimadii Jimcihii lasoo dhaafay, ayaa ciyaar ka dhacday Garoonka “WIISH” waxaa kasoo qeyb galay boqolaal taageerayaal ah, kuwaasoo kala taageerayay kooxaha ugu caansan kubada Basketball-ka ee Heegan iyo Horseed, ciyaarta oo ku dhamaatay natiijo iska ag dhow, ayaa waxay guushu raacday Heegan oo keensatay 65 dhibcood, halka Horseedna ay keensatay 51 dhibcood.

Hoos ka daawo Video iyo Sawirro

basket1basket2basket3basket4basket5basket6

- Advertisement -

Read more

Local News