Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliyda, Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan booqasho ku jooga magaalada Addis Ababa ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Abiy Ahmed oo ay ka wada-hadleen arrimo xasaasi ah.
Labada mas’uul ayaa kulankooda diiradda ku saaray arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, kor u qaadidda iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarka, iyo sidii labada dal ay uga wada shaqeyn lahaayeen xasilloonida iyo arrimaha istiraatiijiga ah ee gobolka Geeska Afrika.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulanka ka hadlay ayaa Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ugu hambalyeeyay guusha uu xisbigiisu ka soo hooyay doorashooyinkii ka dhacay dalka Itoobiya, isaga oo u rajeeyay sii ambaqaadidda dadaallada horumarineed iyo xasilloonida dalkaasi.
Safarkan waxaa ka horreeyay booqasho uu maalin kahor Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku tegay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo uu uga qayb-galay munaasabadda qaran ee xuska 49 sano guurada kasoo wareegatay markii dalkaasi xorriyaddiisa ka qaatay gumeystihii Faransiiska, waqtigaasi oo ku beegan 27-kii bishii Juun, sanadkii 1977-dii.
Waxaa kale oo uu Madaxweynuhu todoaad kahor booqday dalka Kenya, isaga oo beer ku taalla magaalada Narok kula kulmay dhigiisa dalkaas, William Ruto oo ay ka wada-hadleen arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadista iskaashiga iyo wadashaqaynta labada dal.
Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya ayaa ka mid ah waddamada dariska ah ee haddane xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, waxayna sidoo kale ka qayb-qaadataan howlgalka AUSSOM ee Midowga Afrika oo xoogga saaro amniga iyo la dagaallanka kooxda Al-Shabaab.
Safarradan uu galay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo aadaya xilli xasaasi ah oo ay mucaaradka Soomaaliya ku baaqeen qabashada doorashooyin toos ah oo degdeg ah, iyagoo dalbanaya in la helo hannaan doorasho oo ay ku wada qanacsan yihiin dhinacyada siyaasadda dalka.


