27.2 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Farax Macallin oo shaaciyey qorshaha Ethiopia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Dowlada Kenya ay ka diidan tahay xiriirka DF Somalia kala dhexeeya Dowlada Ethiopia, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Faarax Macalim oo ahaa gudoomiye ku-xigeenkii hore ee Baarlamaanka Kenya.

Faarax Macallim waxa uu sheegay in Somalia ay gacan u gashay Dowlada Ethiopia, islamarkaana Maamulka dalka ay ka gacan maroojineyso DF Somalia.

Mar uu ka hadlaayay sababta ay Dowlada Ethiopia u daneyneyso arrimaha Somalia ayuu sheegay inay tahay mid ay uga faa’iideysaneyso Kheyraadka dalka, islamarkaana ay ku hor istaageyso in Somalia ay cagta saarto wadada hormarka.

Sidoo kale, Faarax ayaa muujiyay in Ethiopia faragalinteeda xitaa uu saameyn ku leeyahay Kenya, wuxuuna carabka ku dhuftay inay faraha kula jirto Siyaasado gaar u ah Dowlada Kenya, balse ilaa iyo iminka uusan garaneynin.

Hadalka Faarax ayaa imaanaya iyadoo Dowlada Ethiopia ay faragalin Siyaasadeed ku heyso ilaa Shan Gobol oo hoostaga DF Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News