Dhageyso: Beesha Sade oo shirka Kismaayo ka baxday “Kama helin caqliga Axmed Madoobe” !

Kismaayo (Caasimada Online) – Shirkii xulista xildhibaanada baarlamanka Jubbaland ee ka soconayay magaalada Kismaayo ayaa waxaa soo baxayso in mid ka mid ah beelaha dega goboladaasi ay shirkaasi isaga baxday.

Beesha Sade Daarood ayaa sheegtay inay dhaliilsan tahay si uu u socdo hannaanka xulista baarlamaanka maamulka gobaladaasi.

“Waxaanu shirkii kala kulanay waxyaabo aan fiicneen , oo aan saluugnay oo xaga howl-wadeenada ay sameeyeen, waxaana kamid ah dadkii shirka loogu talagalay dad aan ahayn oo shirka ka qeyb galaya, sidaas ooy tahay anagoo diidayna in shirka na sababsado ayaan ka qeyb qaadanay” sidaasi waxaa yiri afhayeen u hadlay beeshaasi oo lagu magacaabo nabadoon Daahir Aadan Yuusuf.

Halkaan ka dhagayso dhaliisha Beesha Sade

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com