27.2 C
Mogadishu
Saturday, June 13, 2026

Xasan Sheekh oo shaaciyey waxa dhex-maray DF iyo Israel ka hor aqoonsigii Somaliland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku tilmaamay aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland mid aan ahayn aqoonsi dhab ah, balse uu sheegay inuu yahay “dabin” ay ku dhacayso Somaliland.

Wareysi uu siiyay barnaamijka Miisaan Podcast ee ka baxa Dawan, ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku sheegay in tallaabada Israa’iil aysan waxba ka beddeleyn mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan midnimada iyo wadajirka dhulka Soomaaliyeed.

Hadalkan ayaa imanaya xilli aqoonsigii ay Israa’iil u fidisay Somaliland 26-kii December 2025 uu dhaliyay xiisad diblomaasiyadeed oo xooggan, iyadoo Soomaaliya, dalal Carbeed iyo ururka Iskaashiga Islaamka ay tallaabadaas ku tilmaameen mid dhaawaceysa madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

Israa’iil ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991, balse aan muddo ka badan soddon sano helin aqoonsi caalami ah oo ballaaran.

Madaxweynaha ayaa sheegay in arrintan ay ka mid tahay dhacdooyinka ugu culus ee saameyn kara mustaqbalka Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Waxa uu xusay in dhammaan dowladaha caalamka, marka laga reebo Israa’iil, ay weli Somaliland u aqoonsan yihiin qayb ka mid ah Soomaaliya, isla markaana uusan jirin isbeddel weyn oo ku yimid mowqifka beesha caalamka ee ku saabsan midnimada Soomaaliya.

“Somaliland ictiraaf ma helin soddon iyo dhowr sano, haddana ma helayso, kanna ictiraaf ma aha, ee waa dabin,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay mar walba doorbideysay wada-hadal iyo is-afgarad si xal looga gaaro arrinta Somaliland, halkii loo adeegsan lahaa awood ciidan ama tallaabooyin sii fogeyn kara labada dhinac.

Waxa uu sheegay in muddo ka badan soddon sano la isku dayayay in xal siyaasadeed lagu gaaro wada-hadal, isla markaana dowladda federaalka ay weli aaminsan tahay in jidkaasi yahay kan ugu habboon ee lagu ilaalin karo midnimada dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Israa’iil ay marar hore xiriir la soo sameysay dowladda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in Israa’iil ay dhowr jeer codsatay in labada dal yeeshaan xiriir rasmi ah oo diblomaasiyadeed, balse Soomaaliya aysan aqbalin codsiyadaas.

“Israa’iil dhowr jeer ayay nagu soo dhawaatay oo waxay rabtay inaan xiriir yeelanno. Waxaan u sheegnay in waqtigaas arrintani aysan habboonayn,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa sheegay in mowqifka Soomaaliya uu ku saleysan yahay arrimo bani’aadannimo, xuquuqda aadanaha iyo xaaladda shacabka Falastiin.

Waxa uu intaas ku daray in Soomaaliya aysan doonayn in lagu dhex jiido dagaallo, loollan siyaasadeed iyo dano istaraatiiji ah oo aysan iyadu lahayn, gaar ahaan xilli gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas ay noqdeen meel ay si weyn isugu hardinayaan quwado kala duwan.

Xasan Sheekh ayaa ka digay in tallaabada Israa’iil ay keeni karto cawaaqib siyaasadeed iyo mid amni oo saameyn ku yeesha guud ahaan Soomaaliya iyo gobolka.

Madaxweynaha ayaa ku adkeystay in dowladda federaalka aysan waxba ka beddeli doonin mowqifkeeda ku aaddan midnimada iyo wadajirka dhulka Soomaaliya, isagoo sheegay in arrinta Somaliland lagu xallin karo oo keliya wada-hadal Soomaaliyeed iyo ilaalinta madax-bannaanida dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News