Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa haatan bilowday loolan xoogan oo loogu jiro xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka, oo uu banneeyay Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo Khamiistii loo doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, kadib doorasho ka dhacday magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay
Siyaasiyiin kasoo jeedo Koonfur Galbeed, oo saami ahaan leh kursiga ayaa haatan bilaabay olole ay ku doonayaan inay kusoo buuxiyaan, maadaama uu bannaanaaday.
Xildhibaan Saadaad Maxamed Nuur (Caliyow), sidoo kalena ah Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa isaga oo ku sugan Baydhaba ku dhawaaqay inuu u sharraxan yahay xilka guddoomiyaha Baarlamaanka, isaga oo xildhibaannada ka codsaday inay codkooda siiyaan.
Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in musharraxnimadiisa uu ka talageliyay Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha, uuna la imaan doono waxqabad muuqda.
“Waxaan rabaa inaan halkan ka caddeeyo aniga oo ah Saadaad Maxamed Nuur Caliyow, ahna xildhibaan ka tirsa Golaha Shacabka inaan musharrax u ahay u taaganahay kursiga gudoomiyaha inaan buuxiyo arrintaas waxaa talo ka leh Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud sidoo kale waxaa talo ka leh Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo waxgaradka,” ayuu yiri Xildhibaan Saadaad.
Waxaa kale oo uu intaas kusii daray “Xildhibaannada BFS waxaan si gaar ah uga codsanayaa inay codkooda isiiyaan anigu waxaan rabaa inaan ka shaqeeyo muddada dhimman Baarlamaan mideysan iyo xildhibaan xasaanad iyo xurmo leh”.
Dhanka kale, waxaa jira siyaasiyiin kale oo iyaguna u hanqal taagayo kursigan, waxaana kamid ah Wasiirka Dekedaha, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo dhawaan uun soo qaaday kursi xildhibaannimo.
Wararka ayaa sheegaya in Jaamac uu haatan si hoose u wado olole uu ku doonayo inuu ku helo xilka guddoomiyaha, taas oo lololanka ka dhigeyso mid adag.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa inuu dhawaan dib u furmo, isla markaana uu guda galo shaqadiisa, maadaama uu kororsaday hal sano, si lamid ah hay’adaha kale ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

