Axmed Madoobe: “Xasan waa igu ballan-furay”

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Maamulka KMG Jubba Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”, ayaa sheegay in maamulkiisa uu godob ka tirsanayo DF Somalia, kadib markii uu sheegay in miisaaniyadii ay u ballan qaaday aysan ka helin.

Waxa uu Axmed Madoobe sheegay in Maamulkiisu uu la daaladhacaayo dhismaha Baarlamaanka Maamulka iyo maareynta Ergooyinka martida ku ah Magaalada Kismaayo, balse aysan jirin awood dhaqaale oo xiligaani kaafisa Maamulka.

Hadalkaani ayaa waxa uu sheegay xili uu la hadlayay Ergooyinka, waxa uuna shaaca ka qaaday in DF Somalia ay wada galeen ballamo dhowr ah, balse aysan kasoo bixin.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in Madaxweyne Xasan iyo Xubno Wasiiro ah ay isla meel dhigeen in wax laga qaban doono dhaqaalo la’aanta taagan xili ay socdaan kulamo leysugu soo dhaweynaayo Beelaha Kismaayo wada daga hayeeshee looga baxay ballamihii uu la galay.

Dhinaca kale, Ergooyinka ayaa waxa uu ku sabarsiiyay inay muujiyaan dulqaad, islamarkaana uu Maamulka dareensan yahay inay jiraan dhaliilo dhanka miisaaniyada ah, balse ay wax ka qaban doonaan ka hor inta aysan dib ugu laaban Goboladii ay kasoo kala safreen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com