Xasan oo weli ku adkeysanaya mowqifkiisa iyo xog laga helay arrimo hor-istaagay qorshihiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay ka baaqday socdaalkiisii saddexaad ee la filayay inuu ku tago magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa la sheegay inuu weli ku adkeysanayo inuu tago halkaasi oo uu doonayo inuu soo afjaro shirka dib u heshiisiinta ee ka socda, ugana dhawaaqo shirka maamul u sameynta ee ka furmaya degmada Cadaado.

Baaqashada safarka madaxweynaha ayaa warar kala duwan ka soo baxeen, sida shaqaaqooyin kooban oo ka dhacay Dhuusamareeb iyo muranka weli ka taagan odayaasha dhaqanka ee ku sugan Dhuusamareeb oo qaarkood weli ay diidan yihiin inay aadaan Cadaado. Laakiin xog laga helay ilo ku dhow madaxtooyada ayaa sheegaya in baaqashada madaxweynaha ay la xiriirtay talo ay soo jeediyeen xubnaha dowladda u jooga Dhuusamareeb oo hore u qaatay muddo laba maalmood ah inay ku dhameyn doonaan arrimo farsamo oo ka harsanaa in shirka Dhuusamareeb la xiro.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hore u diiday talooyin ay u jeediyeen xubno ka mida xukuumadda ee ka soo jeeda Gobollada Dhexe oo ahaa inuusan isagu ku lug yeelan xaaladda Dhuusamareeb oo wafdi ka uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha loo diro Dhuusamareeb, taasoo uu madaxweynuhu diiday kadib markii uu dareemay inaysan isku aragti ahayn xubnaha dowladda ee goboladaasi ka soo jeeda.

Ciidamo nabad sugid ah iyo ciidamo ilaalada madaxweynaha ayaa ku sugan Dhuusamareeb, waxaana saaka halkaasi ka dhacay banaanbaxyo lasoo abaabulay oo looga horjeeday in shirka maamul u sameynta gobolada dhexe loo raro degmada Cadaado.

Qaar ka mida odayaashii ka qaybgalayay shirka Dhuusa-mareeb ayaa la sheegay inay isaga tageen oo ay gaareen Caabudwaaq oo iyaduna la sheegay inuu shir kale ka furmi doono. Wararka ayaa sheegaya in markii la qancin waayay qaar ka mida odayaasha Dhuusmareeb in xubnaha madaxweynaha u jooga shirka ay dadaal ugu jiraan in la kala diro ergada beelaha ee shirka joogay lana fashiliyo shirkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com