28.9 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

Sawirro: C/Weli Gaas oo looga yeeray Muqdisho iyo kulan xasaasi ah oo Aadan Cadde ka dhacay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas iyo Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayey ayaa maanta kasoo dagay garoonka aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wafdiga uu Hogaaminaayay Madaxweyne Gaas ayaa isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ka kala tirsan labada Gole ee maamulkiisa, waxaana Gaas iyo Wafdigiisa Garoonka kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan.

Wafdiga garoonka kusoo dhaweeyay ayaa waxaa kamid ahaa Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka Dawladda Federaalka Soomaaliya, Wasiirka Caddaaladda Dawladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaano, Siyaasiyiin hore, saraakiil ciidan iyo dadweyne kale.

Madaxweyne Gaas ayaa soo dhaweyn kadib kulan aan caadi aheyn la qaatay wakiilka Xoghayaha guud ee Jimciyadda Quruumaha ka dhexaysa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating iyo ku-xigeenkiisa Raisedon Zenenga kulankaasi oo ka dhacay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Gaas iyo Wakiilka ayaa kawada hadlay xaaladda guud ee dalka soomaaliya iyo tan gaar ahaaneed ee Puntland.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa sidoo kale waxa uu garoonka shir kula qaatay safiiro iyo wakiilo kala duwan oo kala socda beesha caalamka waxaana ay kawada hadleen marxaladda kala guurka ah ee uu dalku ku jiro, hannaanka geeddi-socodka doorashooyinka 2016-ka iyo doorka siyaasadeed ee maamulka Puntland ee la xiriira doorashooyinka 2016-ka.

Maalmaha Soosocda yaa magaalada Muqdisho waxa ka furmi doona shirar looga hadlayo hannaanka geeddi-socodka doorashooyinka dalka, kuwaas oo la doonayao in lagu jaan-gooyoo nooca doorasho ee dalka kadhici doonta bilaha August iyo September ee Sannadkan.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

- Advertisement -

Read more

Local News