Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo beelaha dega Gobolka Hiiraan ay cabasho ba’an ka muujinayaan qaabka uu u socdo shirka maamulka loogu dhisaayo Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe ayaa waxaa arrintaasi sidoo kale dhaliil ka muujiyay Maamulka Sh/Dhexe.
Abuukar Cali Maqaneey oo ah Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca dib-u-heshiisiinta iyo Federaalka ee Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe, ayaa sheegay in maamulka qudhiisa uusan ku raali aheyn qaabka ay Dowlada Somalia, gaar ahaan Wasaarada arrimaha Gudaha u wado shirka ka socda magaalada Jowhar.
Maqaneey oo la hadlaayay Idaacada SMN ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in maalinba maalinta xigta uu ajandaha shirka faraha kasii baxaayo, waxa uuna tibaaxay in Wasaarada arrimaha Gudaha looga baahan yahay inay ka fiirsato waxyaabaha burinkara hanaanka uu iminka u socdo shirka.
Maqaneey waxa uu sidoo kale xusay in Beelaha shirka ka qeyb galaya ay weli ku qanci la’yihiin dadka ay u soo xushay Wasaaradda Arrimaah Gudaha iyo Federaalka in ay soo Magacaabaan Ergooyinka shirka ka qeyb galaya.
Rajo xumida ayuu sheegay inay ka dhalatay qaabka loo soo xulay Ergooyinka iyo Ajandaha looga hadlaayo shirka socda, isaga oo dhaliishaasi dusha u saaray Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odawaa.
Dhanka kale, Maqaneey waxa uu carab dhabay in Ergooyinka afka la qabtay islamarkaana aysan wax tallo ah ku lahayn shirka, halka Maamulka Sh/Dhexe uusan wali ku qancin qaabka ay Wasaaradda arrimaha gudaha usoo xushay guddiga fududeynta.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]