Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaiya Cumar C.rashiid Cali oo saxaafada la hadlay ayaa ka hadlay qaabka lagu soo dhisayo aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya, maadaama qodobadii lagu hishiiyay qeyb ka ahaayeen in nidaamka qabaliga lagu soo doorto baarlamaanka.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in sanadkaan ay doonayaan wax ka badalan qaabki lagu soo dhisi jiray xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya maadaama ay keeni jireen oday dhaqameedyo laga soo xulay beelaha Soomaaliya.
Isaga oo sii hadlayay ayuu cadeeyay in xildhibaanada aqalka hoose ee ku imaanaya 4.5 ay soo dooran doonaan dadka ay matali doonaan si ay u helaan kalsoonida dadweynaha ay kasoo jeedaan, sida uu hadalka u dhigay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Doorashada ayaa sida uu sheegay ka dhaceyso caasimadaha maamul goboleedyada dalka Soomaaliya, taasi oo noqoneyso mid ka duwan qaabkii lagu soo xuli jiray baarlamaanka Soomaaliya.
“Waxaan dooneynaa inaan sameyno wax ka duwan waxii dhici jiray oo Odayaal ay xildhibaanada keeni jireen, markaan xildhibaanada dadka ay matalayaan ayaa keenaya oo caasimadaha maamul goboleedyada ayaa lagu soo dooranayaa”ayuu yiri ra’iisul wasaraaha.
Hishiiskii lagu gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa dhigayay in qaab qabiil ay ku yimaadaan baarlamaanka aqalka hoose.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

