Muqdisho (Caasimada Online) – Sawir gacmeedkaani ayaa loola gol leeyahay nidaamka iyo tallo xumida laga dhexlay Dowlada Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud oo iyadu kaalinta koowaad ka gashay Fashil.
Sawirkaani ayaa waxaa lagu diyaariyay ajandooyinka Dowlada horyaal ee sida dadban loogu gumaadaayo waxaana kamid ah Qabiil lasii xoojiyo, 4.5, Qarax, Dulmi, Been iyo arrimo kale oo aan qoraal lagu soo koobi karin.
Qodobada lagu muujiyay Sawirka ayaa dhammaantooda ah mid laga dhexlay Dowlada Damul-Jadiid ee saaxiibka u noqotay Musuq-maasuqa iyo ciribtirka Umadda Soomaaliyeed kuwooda jooga gudaha dalka.
Waxaa qubanaaya dhiiga shacabka waxa ayna Dowladu ku mashquulsan tahay Qabiil, Dulmi, Qarax, Niyad Jab iyo arrimo kale oo raja beel nagu riday.


